Muqdisho,(insidesomalia.org)- In kastoo dadka Soomaaliyed dhagahooda ka batay Sarkaal ka tirsan Dowladda ama Ciidamo Itoobiyan ah ayaa lala beegsaday Qarax ayaa haddana maanta markii ugu horeysay waxaa la maqlay Qarax lala beegsaday nin rayid ah oo ku caan baxay farsameynta Mukhaadaraadka laga isticmaalo Magaalada Muqdisho.
Qarax aad u xooganaa ayaa waxa uu barqanimadii maanta ka dhacay Buundada labaad Degmada Xamar jajab Gobolkan Banaadir sida ay sheegayan goobjoogayaal ku sugnaa goobta Qaraxa ka dhacay.
Ninka la doonayay in lagu dilo Qaraxan ayaa waxaa uu ahaa nin farsameeya waxyaabaha Mukhaadaraadka ah wuxuuna la socday Gaari yar oo uu lahaa waxaa lagula beegsaday isaga oo gaarigiisa Saaran Buundada labaad Degmada Xamar jajab ee Gobolkan Banaadir.
Goobjoogayaasha waxaa ay sheegayan in ninkii qaraxa lala beegsaday uu soo gaaray dhaawac in kastoo aan la ogeyn xaaladdiisa waxaa ay ku dambeyn doonto haddana waxaa loola cararay Isbitaalka Madiina.
Waxaa la sheegayaa in horey dhowr jeer digniino loogu soo jeediyay ninkaasi, loona sheegay inuu faraha kala baxo Waxyaabaha uu sameeyo inkastoo maanta lagula beegsaday qaraxaasi Degmada Xamar jajab.